Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 HEESTA 28

Helidda Saaxiibnimada Yehowah

Helidda Saaxiibnimada Yehowah

(Sabuur 15)

  1. 1. Saaxiibnimadaada

    Ilaahow yaa haysto?

    Yaa aqoon kuu leh? Yaa aammintaa?

    Yaa saaxiib la tahay?

    Kuwa ku addeeco,

    kuwa ku aamminno,

    Kuwa daacad ah, kuwa qumman

    oo jidkaaga jecel.

  2. 2. Yaa Ilaahow rugtaa

    dhex degganaan karo?

    Yaa kaa farxiya? Yaa aqbashaa?

    Magacee baa taqaan?

    Kan ku sarraysiiyo,

    kan Eraygaa dhowro,

    Kuwa ku socdo aamminnimo

    oo runta ku hadlo.

  3. 3. Welwelkeenna oo dhan

    Adigaan ku saarnaa.

    Salaadda waan kugu dhowaanaa.

    Jacayl baa na siisaa.

    Saaxiibnimadaada

    baan rabnaa Ilaahow.

    Saaxiib kaa weyn ma heli karno,

    mid kale ma jiro.

(Eeg Sab. 139:1; 1 But. 5:6, 7.)