Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYB 7

Maxay Tahay Boqortooyada Ilaahay?

Maxay Tahay Boqortooyada Ilaahay?

1. Maxay tahay Boqortooyada Ilaahay?

Maxaa ina tusaysa inuu Ciise yahay Boqor habboon?—MARKOS 1:40-42.

Boqortooyada Ilaahay waxay tahay dowlad samada ku taalla. Ilaahay dowladdiisuu dowladaha kale oo dhan ku beddeli doonaa oo doonistiisa baa samada iyo dhulkaba lagu yeeli doonaa. Warka ku saabsan Boqortooyada Ilaahay wuu wanaagsan yahay. Mar dhow Boqortooyada Ilaahay waxay qancin doontaa baahida binuʼaadanka u qabaan dowlad fiican. Waxay isku keeni doontaa dadka dunida ku nool oo dhan siday midnimo ugu wada noolaadaan.—Akhri Daanyeel 2:44; Matayos 6:9, 10; 24:14.

Boqortooyo way inay lahaato boqor. Yehowah wuxuu doortay Ciise Masiix inuu ahaado Boqorka Boqortooyadiisa.—Akhri Muujintii 11:15.

Daawo fiidiyowga Maxay Tahay Boqortooyada Ilaahay?

2. Muxuu Ciise ugu habboon yahay inuu Boqor noqdo?

Ciise wuxuu yahay Boqor habboon waayo wuu nimco badan yahay wuxuuna jecel yahay xaqa. (Matayos 11:28-30) Quwad weyn oo ku filan inuu dadka ku caawiyo buu leeyahay waayo samada buu adduunka oo dhan ka maammuli doonaa. Ciise samaduu tagay markii la sarakiciyay kaddib. Wuxuu fadhiistay midigta Yehowah. (Cibraaniyada 10:12, 13) Halkaas buu ku sugayay ilaa waqtigii Ilaahay awood siiyo siduu u bilaabo maammulkiisa.—Akhri Daanyeel 7:13, 14.

3. Ayaa Ciise la maammuli doona?

Qaar la yiraahdo “dadka quduusiinta” ah baa samada Ciise maammulka la wadaagi doona. (Daanyeel 7:27) Dadkii quduusiinta ahaa ee ugu horreeyay oo la doortay waxay ahaayeen  Ciise rasuulladiisii oo aamminka ahaa. Ilaa hadda Yehowah wuu sii wadaa doorashada rag iyo dumar aammin ah siday uga mid noqdaan kuwa quduuska ah. Sida Ciise oo kale baa si ruux ah loo sarakiciyay.—Akhri Yooxanaa 14:1-3; 1 Korintos 15:42-44.

Immisaa samada tagi doona? Ciise kuwaas wuxuu ku matalay inay yihiin ido aan badnayn. (Luukos 12:32) Aakhiran waxay ahaan doonaan 144,000. Ciise bay samada adduunka kala maammuli doonaan.—Akhri Muujintii 14:1.

4. Markuu Ciise bilaabay maammulka maxaa dhacay?

Maammulka Boqortooyada Ilaahay wuxuu bilaabmay sanadkii 1914. Boqor ahaan Ciise shuqulkiisii u horreeyay wuxuu ahaa inuu Ibliiska iyo shayddaammadiisa dhulka hoos ugu soo tuuro. Shayddaanku si aad ah buu u cadhooday oo dhibaatooyin badan buu adduunka ku furay. (Muujintii 12:7-10, 12) Ilaa markaas binuʼaadanka hooggooda ayaa si xun u fara batay. Dagaallo, abaaro, jirro iyo dhulgariirro ayaa ka mid ah ‘calaamad’ inay Boqortooyadu mar dhow arrimaha adduunka wax ka qaban doonto.—Akhri Luukos 21:7, 10, 11, 31.

5. Maxay Boqortooyada Ilaahay fulinaysaa?

Ilaahay Boqortooyadiisa wacdiga ku saabsan ayaa ka socda adduunkoo dhan oo isku keena dad fara badan oo quruun kasta ka yimid siday gacan mid ah u ahaadaan. Malaayiin badan oo camal qabow ayaa Ciise raacayaashiisa noqday qaar kalena way ku soo biiri doonaan. Boqortooyada Ilaahay kuwaas way badbaadin doontaa markay baabbiʼiso sharka aan ku nool nahay waqtigan aan joogno. Kuwa doonayo inay ka faaʼiidaystaan Boqortooyada Ilaahay waa inay yeelaan amarraduu Ilaahay Ciise u dhiibay siday u noqdaan shicibkiisa.—Akhri Muujintii 7:9, 14, 16, 17.

Kun sanadood dhexdeed Boqortooyadu waxay fulin doontaa Ilaahay qasdigiisii u horreeyay oo ku saabsanaa binuʼaadanka. Dhulkoo dhan janno buu noqon doonaa. Ugu dambeys Ciise Ilaahay dib buu Boqortooyada ugu dhiibi doonaa. (1 Korintos 15:24-26) Miyaad taqaannaa qof ad jeclaan lahayd inaa uga sheekeysid Boqortooyada Ilaahay?—Akhri Sabuurradii 37:10, 11, 29.