“Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig” nin iyo naag.—Matayos 19:4

Ilaahay Yehowah * baa guur ku meheriyay ninkii iyo naagtii ugu horreeyay. Kitaabka wuxuu inoo sheegaa inuu Yehowah abuuray naagtii u horreysay oo markaasna “u keenay ninkii.” Aadan si weyn buu u farxay oo wuxuu yiri: “Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga.” (Bilowgii 2:22, 23) Ilaa hadda Yehowah wuxuu rabaa dadka is guursaday inay farxaan.

Markaad guursatid waxaad is oran kartaa wax walba aad bay u fiicnaan doonaan. Laakiin sida runta ah xitaa ninka iyo naagta aad isku jecel dhibaato bay la kulmaan. (1 Korintos 7:28) Buuggan waxaa ku jira tacliimo Kitaabeed oo haddii ad hirgelisid guurkaaga iyo reerkaagaba mid farxad leh ka dhigi karo.—Sabuurradii 19:8-11.

 1 XILKA UU YEHOWAH KU SIIYAY KA SOO BAX

KITAABKA WUXUU BARAA: Ninku waa madaxa reerka.—Efesos 5:23.

Haddii ad nin naag leh tahay Yehowah wuxuu kaa rabaa inaad naagtaada si kalgacayl leh u dhaqaaleysid. (1 Butros 3:7) Naagta wuxuu u abuuray inay ninkeeda ku habboonaato wuxuuna doonayaa inaad sharaf iyo jacayl kula dhaqantid. (Bilowgii 2:18) Waxaa waajib ah inaad naagtaada aad u jeclaatid oo naftaada ka hormarisid.—Efesos 5:25-29.

Haddii ad tahay naag la qabo Yehowah wuxuu doonayaa inaad ninkaaga aad u maamuustid oo ku kaalmeysid inuu qaado xilkiisa. (1 Korintos 11:3; Efesos 5:33) Goʼaamadiisa ka dambee oo qalbigaaga oo dhan kula shaqee. (Kolosay 3:18) Markaad sidan yeeshid qurux baad ku yeelan doontaa Yehowah iyo ninkaagaba hortooda.—1 Butros 3:1-6.

WAXAAD SAMEYN KARTID:

  • Weyddii qofka ad guursatay sidaad nin ama naag fiican u noqon kartid. Si fiican u dhegeyso oo ku dadaal inaad is wanaajisid

  • Samir yeelo. Waqti bay qaadan doontaa inaad baratiin sida layskaga farxiyo

2 AAD U DANEE SIDUU QOFKA KALE DAREEMO

KITAABKA WUXUU BARAA: Waa inaad doondoontid waxa qofka ad guursatay u roon. (1 Korintos 10:24) Ninkaaga ama naagtaada qiimee. Xusuuso inuu Yehowah doonayo inay addoommadiisa ahaadaan kuwo “dadka u wada roon.” (2 Timoteyos 2:24) Feker intaadan wax oranin. Waayo hadalka laga fiirsan waa “sida seef wax mudaysa, laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.” (Maahmaahyadii 12:18) Yehowah ruuxiisa baa ku caawin doono inaad dadka ugu roonaatid hadalkaaga oona jacayl ugu muujisid.—Galatiya 5:22, 23; Kolosay 4:6.

WAXAAD SAMEYN KARTID:

  • Intaadan wax muhim ah ka wadahadlin Ilaahay ka bari inuu degganaansho iyo maskax furan ku siiyo

  • Si fiican uga feker waxaad oran doontid iyo habka ad u oran doontid

 3 SIDII KOOX U FEKERA

KITAABKA WUXUU BARAA: Markaad is guursatiin waxaad noqon doontaan “isku jidh.” (Matayos 19:5) Haddaba isku mid ma tihiin waxaad haysan kartaan fekrado kala duwan. Sidaas darteed barta inaad ku midowdaan fekerkiinna iyo dareenkiinnaba. (Filiboy 2:2) Marka goʼaan la gaarayo waxa ugu muhimsan waa heshiis. Kitaabka waxaa ku qoran: “Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo.” (Maahmaahyadii 20:18) Oggolow inay tacliimaha Kitaabka idin tilmaamaan markaad goʼaamo muhim ah isla gaaraysaan.—Maahmaahyadii 8:32, 33.

WAXAAD SAMEYN KARTID:

  • Ninkaaga ama naagtaada ha ku oran war iyo fekrado keliya laakiinse u sheeg sidaad dareemaysid

  • Intaadan ballan sameysan la tasho qofka kale

^ qayb. 4 Kitaabka wuxuu muujiyaa inuu Yehowah yahay magaca Ilaahay.