“Wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.”—Markos 10:9

Yehowah wuxuu rabaa “qalbi daacad ah iyo qummanaan” inaan ku socono. (1 Boqorradii 9:4) Tani weliba guurka muhim bay u tahay waayo daacadnimo laʼaan aamminaad ma jirto. Aamminaaddana waajib bay u tahay koritaanka jacaylka.

Maanta khatar bay ku jirtaa daacadnimada ka dhexeysa kuwa is guursaday. Haddaad rabtid inaad guurkaaga ilaalisid laba wax waa inaad sameysid.

 1 MUHIMADDA SAAR GUURKAAGA

KITAABKA WUXUU BARAA: “Ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.” (Efesos 5:15, 16) Waa caqli inaad guurkaaga u aragtid inuu yahay mid ka mid ah waxyaalaha noloshaada ugu muhimsan. Wuxuu istaahilaa inaad ka hormarisid waxyaalaha kale.

Yehowah wuxuu rabaa inaad tixgelisid oo ad ‘farxad kula noolaatid’ midka ad guursatay. (Wacdiyahii 9:9) Si cad buu u sheegaa inaadan weligaa ninkaaga ama naagtaada dayacin. Laakiin wuxuu rabaa inaad doondoontiin sidaad iskaga farxin kartiin. (1 Korintos 10:24) Qofka kale dareensii inaad u baahan tahay oona qiimeysid.

WAXAAD SAMEYN KARTID:

  • Ha iloobin inaad waqti isla qaadataan. Waqtigaas dhexdiisa ninkaaga iyo naagtaada niyad dhan sii

  • Intaad keligaa iska feker lahayd labadiinaba ka feker

 2 DHAWR QALBIGAAGA

KITAABKA WUXUU BARAA: “Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.” (Matayos 5:28) Qof haddii uu fekerro sino ah riyo ka dhigto waxay la mid tahay isagoo guurkiisa ka sinaystay.

Yehowah wuxuu yiri: ‘Qalbigaaga dhawr.’ (Maahmaahyadii 4:23; Yeremyaah 17:9) Sidaad saan u sameysid waa waajib inaad indhahaaga ilaalisid. (Matayos 5:29, 30) Raac masalkii Nebi Ayuub oo axdi la dhigtay indhihiisa inuunan weligii naag kale damac ku eegayn. (Ayuub 31:1) Ku adkayso inaadan marnaba sawirro qaaqaawan daawanayn. Goʼaanso inaadan ruux kale caashaqayn naagtaada iyo ninkaaga mooyaane.

WAXAAD SAMEYN KARTID:

  • Ha muuqato inaad qofkaad qabtid keliya u goʼan tahay

  • Ninkaaga ama naagtaada dareenkooda tixgeli oo dhaqsi u gooy xiriir ad qof kale la leedahay oo u keeni karo dareen xumo