Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 6

Muxuu Yahay Qasdiga Ilaahay oo ku Saabsan Adduunka?

Muxuu Yahay Qasdiga Ilaahay oo ku Saabsan Adduunka?

ILAAHAY adduunka wuxuu u abuuray inuu ahaado meel kaamil ah oo binuʼaadanku ku noolaadaan. Eraygiisa waxaa ku qoran: “Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.”—Sabuurradii 115:16.

Ilaahay intuunan Aadan abuurin, qayb yar buu ka doortay dhulka oo wuxuu u bixiyay Ceeden. Meeshaasna wuxuu ku abuuray beer qurux badan. Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Yufraad iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. * Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay!

Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.” (Bilowgii 2:15) Kaddib Ilaahay naag buu Aadan u abuuray oo magaceeda Xaawa buu ahaa. Ilaahay iyaga wuu amray oo wuxuu ku yiri: “Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka.” (Bilowgii 1:28) Way caddahay inuusan Ilaahay “si aan waxba tarayn u uumin [dhulka], laakiinse u uumay in la degganaado.”—Ishacyaah 45:18.

Laakiin Aadan iyo Xaawa kas bay sharciga Ilaahay u jebiyeen oo way ka soo horjeedsadeen. Sidaas daraaddeed buu Ilaahay beertii Ceeden iyaga uga saaray. Jannadii way lumiyeen. Weliba dembiguu Aadan galay dhibaato intaas ka sii weyn buu qoonsaday. Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan: “Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay.”—Rooma 5:12.

Yehowah muu ka quustay qasdigiisii u horreeyay oo ahaa inuu dhulku janno noqdo oo ay dad faraxsan ku noolaadaan? Maya! Ilaahay wuxuu yiri: “Ereygii afkayga ka soo baxaa . . . isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qasdiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.” (Ishacyaah 55:11) Dhulku mar kale buu Janno noqon doonaa!

Sidee bay noloshu ahaan doontaa Jannada dhexdeeda? Bal sii akhri sidaad u aragtid wuxuu Qorniinka Quduuska ah inoo ballanqaaday.

^ qayb. 4 Bilowgii 2:10-14 waxaa ku qoran: “Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax. Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon . . . Webiga labaad magiciisuna waa Giixoon . . . Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel [ama Tigris]: Kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.” Labada webi oo la hor sheegay lama yaqaanno kuway ahaayeen iyo meeshay ku yaalleen.