Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

Kitaabka Quduuska ah Maxaa Loo Baadhaa?

Kitaabka Quduuska ah Maxaa Loo Baadhaa?

Sida Kitaabka loo qaybiyay buug kale oo taariikhda binuʼaadmiga ku jira loo ma qaybin. Dad dhaqan walba ka imaaday baa qalbi qaboojis iyo rajo ka helay farriintiisa oo taladiisuna maalin walbay noloshooda ku caawisa. Adigu Kitaabka wax ma ka taqaannaa? Haddaba maanta dadku badnaantooda aqoon ma u laha Kitaabka. Haddii ad tahay qof diin ku xiran ama in kaleba waxa laga yaaba inaad Kitaabka suʼaalo ka qabtid. Buuggan waxaa loogu talaggalay inuu Kitaabka aragti guud ah kaa siiyo.

INTAADAN Kitaabka furin waxaa wacan inaad dhowr wax ka ogaatid siduu buuggan u qorsheysan yahay. Kitaabka Quduuska ah wuxuu u kala baxaa 66 buug ama qaybood. Qaybta ugu horreysa waa Bilowgii tan u dambeysana waa Muujintii.

Ayuu ka yimid Kitaabka Quduuska ah? Taasi waa suʼaal aad u fiican. Sida runta ah muddo qiyaasteedu tahay 1,600 oo sanadood 40 nin baa Kitaabka qoray. Haddaba la yaabku waa inaysan nimankan oran Kitaabka inagu naga yimid. Qorayaasha mid ka mid ah baa yiri: “Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah.” (2 Timoteyos 3:16) Mid kalena wuxuu qoray: “Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.” (2 Samuuʼeel 23:2) Haddaba qorayaashu ayay yiraahdeen buu Kitaabka ka yimid? Rabbiga Yehowah Kan ugu Sarreeya caalamka oo dhan. Qorayaashan waxay kaloo inoo caddeeyeen inuu Ilaahay rabo inay binuʼaadanku isaga u dhowaadaan.

Haddaba waxaa jirta mid kale aan u baahan nahay inaan ogaano. Kitaabku wuxuu leeyahay farriin keliya oo muhim ah. Taasi waa caddaynta inuu Ilaahay xaq u leeyahay inuu binuʼaadanka ku maammulo Boqortooyadiisa samada ku taal. Bogagga soo socda waxaad ka arkaysaa siday farriintan ugu jirto qayb walboo Kitaabka.

Adoo niyadda waxyaalahan ku hayo bal eeg farriinta ku jirta Kitaabka Quduuska ah oo ah buugga dunida ugu caansan.

^ qayb. 9 Habab badan baa jiro oo taariikhda loo sheegi karo. Haddaba marka C.D. ama C.H. buuggan lagu qoro waxay ka dhigan yihiin “Ciise Dabadiis” ama “Ciise Hortiis.” Taariikhda waxaad kala socon karta xarriiqda buluugga ah ee ku taal bog kasta hoostiis.