Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 13

Boqorro Fiican iyo Boqorro Xun

Boqorro Fiican iyo Boqorro Xun

Reer binu Israaʼiil way kala qaybsameen. Muddo dheer boqorro badan baa maammulay Israaʼiil. Badnaantoodana Ilaahay daacad u ma ay ahayn. Reer Baabuloon baa Yeruusaalem baabbiʼiyay

SIDUU Yehowah sii sheegay markuu Sulaymaan dayriyay caabudaadda runta ah reer binu Israaʼiil way kala qaybsameen. Wiilkiisii Rexabcaam oo isaga ka dambeeyay wuxuu ahaa mid qallafsan oo naxariis daran. Sidaas darteed toban qabiil oo reer binu Israaʼiil baa isaga ka soo horjeedsaday oo aasaastay boqortooyada Israaʼiil oo woqooyi. Laba qabiil baa weli daacad u ahaa boqorkii carshigii Daaʼuud fadhiyay oo Yeruusaalem ku sugnaa. Kuwani waxay aasaasteen boqortooyada Yahuudah oo koonfureed.

Boqorro caasiyiin ah oo rumaysad daran awgood taariikhdii labadii boqortooyo waxay ku dhammaatay buuq iyo rabsho. Xaaladdii Israaʼiil baa ka sii darnayd Yahuudah waayo ilaa bilowgii boqorrodoodii waxay ku hoggaamiyeen cabuudaad been ah. Xitaa nebiyo shuqullo waaweyn sameeyay sida Eliiyaah iyo Eliishaa baa xitaa dad dhintay soo nooleeyay. Laakiin reer binu Israaʼiil xumaantoodii way ka hadhi waayeen. Aakhirkii Ilaahay wuxuu oggolaaday in reer Ashuur boqortooyada woqooyi baabbiʼiyaan.

Boqortooyada Yahuudah in boqol sano ka dheer bay Israaʼiil ka sii dambeeyeen aakhirkiina Ilaahay baa ciqaabay. Boqorrada Yahuudah dhowr keliya baa yeelay digniintii nebiyada Ilaahay oo damcay inay dadka Yehowah u soo celiyaan. Matalan Boqorkii Yoosiyaah wuxuu dalka Yahuudah ka nadiifiyay caabudaadda beenta ah wuxuuna cusbooneeysiiyay macbudkii Yehowah. Markii la helay kitaabkii Sharciga Ilaahay oo Muuse loo soo dhiibay Yoosiyaah wuu ku qiirooday erayadii ku jiray. Dabadeedna wuxuu ku dadaalay inuu sii adkeeyo isbeddelkuu Yahuudah ka waday.

Waa wax laga xumaado inay boqorradii Yoosiyaah ka dambeeyay aynan ku dayan masaalkiisii fiicnaa. Saas awgeed Yehowah wuxuu oggolaaday in Baabuloon qabsato Yahuudah oo ay Yeruusaalem iyo macbudkeeda baabbiʼiyaan. Kuwii badbaaday Baabuloon baa loo kaxeeyay iyagoo maxaabiis ah. Ilaahay wuu sii sheegay inay 70 sano maxaabiisnimo ku jiri doonaan. Ilaa waqtigii loo fasaxay inay dhulkoodii ku noqdaan sidii loo ballanqaaday dalka Yahuudah wuu baabbaʼsanaa.

Laakiin boqor dambe oo dhasha Daaʼuud ka yimid maammul ma lahaan doono ilaa Badbaadiyaha la ballanqaaday oo ah Masiixa boqor noqdo. Boqorradii Daaʼuud ka dhashay oo Yeruusaalem joogay badnaantoodii waxay muujiyeen in binuʼadmi dembile ah uusan u qalmin boqornimo. Masiixa keligiis baa si run ah ugu qalmo. Yehowah boqorradaas Daaʼuud ka abtirsaday midkoodii ugu dambeeyay wuxuu ku yiri: “Taajka iska qaad . . . ilaa uu yimaado kan xaqa u lahu, oo isaga ayaan siin doonaa.”—Yexesqeel 21:26, 27.

—Casharkan wuxuu ku saabsan yahay 1 Boqorradii; 2 Boqorradii; 2 Taariikhdii qaybaha 10 ilaa 36; Yeremyaah 25:8-11.