Ibraahim Ilaahay iimaan buu ku dhegeystay Yehowahna wuxuu u ballanqaaday inuu barakeyn doono oo uu farcankiisa tarmi doono

DAADKII waqtigii Nuux waxaa ka soo wareegay 350 sanadood. Ibraahimna wuxuu degganaa Uur magaalo nimcaysan oo ku taalla waddanka maanta loo yaqaanno Ciraaq. Ibraahim wuxuu ahaa nin iimaan weyn leh. Haddaba wax iimaankiisa tijaabin doono baa ku dhacay.

Yehowah wuxuu Ibraahim u sheegay inuu ka tago waddanka dhalashadiisa oo uu u guuro dal kale. Dalkaas wuxuu ahaa Kancaan. Ibraahim isla markiiba Ilaahay wuu dhegeystay. Wuxuu kaxaystay naagtiisa Saarah iyo Luud wiilkii walaalkiis iyo kuwa gurigiisa ka tirsan oo dhan. Waqti dheer bay Kancaan u safreen oo markay gaareen teendhooyin bay degeen. Yehowah axdi buu Ibraahim la dhigtay oo wuxuu u ballanqaaday inuu quruun weyn ka dhigi doono oo ay qabiillada dunida oo dhan aawadiis u barkoobi doonaan. Wuxuuna u sii sheegay inay dhashiisa la wareegi doonaan Kancaan.

Ibraahim iyo Luud way barakoobeen oo xoolo badan bay yeesheen. Ibraahim si deeqsinimo ah buu ugu oggolaaday Luud inuu doorto meesha uu degi lahaa. Luud wuxuu doortay dhinaca waraabsan ee Webi Urdun oo magaalada Sodom u dhowayd. Laakiinse dadka Sodom degganaa waxay ahaayeen dad xun oo sinaysta Yehowahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.

Waqti kaddib Yehowah Ilaah mar kale buu Ibraahim u sheegay inay dhashiisa sida xiddigaha samada u badnaan doonaan. Ibraahim ballantaas wuu rumaystay. Haddaba Ibraahim naagtiisii Saarah weli waxay ahayd madhalays. Markuu Ibraahim 99 sano jiray oo Saarahna ku dhowayd 90 Ilaahay wuxuu Ibraahim ku yiri in Saarah wiil u dhali doonto. Eraygii Ilaahay wuu rumoobay oo Saarah Isxaaq bay dhashay. Ibraahim carruur kale buu lahaa haddaba Badbaadiyaha Ceeden lagu ballanqaaday Isxaaq buu ka soo farcami doona.

Waqtigan gudihiisa Luud iyo reerkiisa waxay degganaayeen magaalada Sodom. Luud xaq buu ahaa muuna noqon sida dadka sinada badan ee Sodom. Markuu Yehowah goʼaansaday inuu xukunkiisa ku soo dejiyo magaaladaas wuxuu Luud u soo diray malaaʼigo siday digniin u siiyaan. Malaaʼigihii waxay Luud iyo reerkiisa ku deddejiyeen inay Sodom ka qaxaan oona dib u eegin. Ilaahay samada wuxuu ka soo daayay baruud iyo dab siduu u halaago dadka degganaa Sodom iyo magaalada u dhow oo sharka leh Gomora. Luud iyo labadiisii gabdhood way baxsadeen. Haddaba naagtiisii gadaal bay eegtay malaha iyadoo xiiseynayso waxyaalihii ay ka soo tegeen. Dhega adayggan aawadeed nolosheedii bay ku lumisay.

—Casharkan wuxuu ku saabsan yahay Bilowgii 11:10–19:38.