Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 18

Ciise Mucjisooyin Buu Sameeyay

Ciise Mucjisooyin Buu Sameeyay

Ciise cajaaʼiibyo buu ku muujiyay siduu awooddiisa u isticmaali doono markuu Boqor noqdo

ILAAHAY wuxuu Ciise awood u siiyay waxyaalo ay binuʼadmi kale sameyn karin. Ciise mucjisooyin aad u badan buu sameeyay oo had iyo goor dad badan baa indhahooda ku arkay. Calaamadahan waxay muujiyeen inuu Ciise ka awood badan yahay cadaawayaasha iyo dhibaatooyinka xayiro binuʼaadanka oo ay ka liibaani waayeen. Bal tusaalooyinkan eeg.

Baahi. Ciise mucjisadiisii ugu horreysay wuxuu sameeyay isagoo joogo aroos. Biyo buu khamri wanaagsan ka dhigay. Laba jeer oo kalena kumanyaal gaajeysan buu ku quudiyay dhowr kalluun iyo kibsood. Labadii goorba cunto badan baa ka soo hadhay.

Jirro. Ciise dadka wuxuu ka bogsiiyay “bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan.” (Matayos 4:23) Wuxuu bogsiiyay indhoolayaasha, dhegoolayaasha, kuwa qaba juudaan, suuxdinta, kuwa lugahalaʼ iyo curyaamada. Jirro ka tan weynayd uunan daaweyn karin ma jirin.

Hawada khatarta ah. Markay Ciise iyo xertiisii badda Galili doonni ku safrayeen duufaan weyn baa baddii ka kacday. Xertii baqdin baa ka soo hadhay. Haddaba Ciise intuu duufaantii eegay buu ku yiri: “Aamus oo xasil.” Markiiba baddii way degtay. (Markos 4:37-39) Mar kalena badda buu ku dul socday iyadoo dabayl cabsi leh dhacayso.—Matayos 14:24-33.

Jinniyo. Jinniyada shar bay leeyihiin oo si saayid ah bay binuʼaadanka uga xoog badan yihiin. Dadka badnaantood awoodda ay uga xoroobaan cadaawayaashan Ilaahay ee dulmiga badan ma haystaan. Laakiinse Ciise marar badan gacantoodu dadka ka xoreeyay markuu ku amray inay iyaga ka baxaan. Ciise ma ka cabsado jinniyo. Xaqiiqdii iyaga baa awooddiisa ogaa oo way ka cabsan jireen.

Dhimasho. Cid dhimasho ka adkaan karto ma jirto oo in dhimasho “cadaawaha ugu dambeeya” loogu yeero waa ku istaahil. (1 Korintos 15:26) Haddaba Ciise kuwii dhintay wuu soo sarakiciyay. Hooyo carmal ah buu wiilkeedii dhallinyarada ahaa geeri uga soo celiyay waalid murugaysanna gabadhoodii yareed. Tan ugu yaab badnayd waxay dhacday markuu Ciise saaxiibkiis uu jeclaa Laasaros soo sarakiciyay. Dad badan oo barooranayo hortood buu ku soo nooleeyay isagoo afar maalmood mootanaa. Xitaa cadowyadii Ciise oo ugu waaweynaa baa aqbalay inuu mucjisadan sameeyay.—Yooxanaa 11:38-48; 12:9-11.

Ciise mucjisooyinkan oo dhan muxuu u sameeyay? Dadkuu Ciise caawiyay oo dhan miyaysan aakhirkii dhiman? Runtii way dhinteen laakiin cajaaʼiibyada Ciise wanaag joogta ah bay leeyihiin. Waxay muujiyeen in waxyaalihii yaabka badnaa oo laga sii sheegay maammulka Masiixa ay xaqiiq ku salaysnaayeen. Sidaa darteed laga ma shakiyi karo in Boqorkuu Ilaahay doortay ciribtiri karo baahi, jirro, hawada khatarta ah, jinniyada iyo dhimasho xitaa. Horey buu inoogu muujiyay in Ilaahay awooddaas oo dhan siiyay.

Casharkan wuxuu ku saabsan yahay buugagga Matayos, Markos, Luukos iyo Yooxanaa.