Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 6

Ayuub Daacadnimadiisii Wuu Xajiyay

Ayuub Daacadnimadiisii Wuu Xajiyay

Ilaahay hortiisa Shayddaanku daacadnimada Ayuub buu ka dooday. Haddaba Ayuub daacad buu Yehowah u sii ahaa

BINU’AADANKU haddii heer walba loo tijaabiyo weli Ilaahay daacad may u ahaan doonaan? Xitaa haddii ay daacadnimadooda xoolo u kordhin? Sheekadii Ayuub baa suʼaashaas lagu soo hadal qaaday loogana jawaabay.

Markay reer binu Israaʼiil Masar joogeen meesha maanta ah dalka Carabta waxaa degganaa nin Ayuub la dhaho oo Ibraahim qaraabo la ahaa. Waqtigaas malaaʼigihii baa samada Ilaahay hortiis ku ururay oo Shayddaankii baa isna gudahooda soo istaagay. Ilaahay hortooda wuxuu ku sheegay inuu addoonkiisa daacadda ah Ayuub ku kalsoon yahay. Weliba Yehowah wuxuu yiri in dhulka oo dhan lagu arkin nin sidiisa oo kale daacad u ah. Laakiinse Shayddaankii wuxuu ku adkaystay in Ayuub Ilaahay ugu adeego barakadiisa iyo ilaalintiisa keliya. Shayddaankii wuxuu yiri Ayuub Ilaahay wax xun buu ka sheegi doonaa haddii uu wixiisa oo dhan ka qaado.

Ilaahay wuu u oggolaaday Shayddaankii inuu Ayuub ka qaado xoolihiisa iyo carruurtiisa kaddibna caafimaadkiisa. Ayuub muusan ogeen inuu Shayddaanku waxyaalahan ka dambeeyay wuuna garan waayay sababta uu Ilaahay u yeelay inuu dhibaatooyinkan maro. Hase ahaatee Ayuub Ilaahay ka ma horjeedsanin.

Saddex saaxiib oo xun baa Ayuub soo booqday. Hadallo badan oo buugga Ayuub ku qoran bay kula hadleen. Nimankan waxay isku dayeen inay Ayuub ka dhaadhiciyaan inuu Ilaahay dembi qarsoon aawadiis isaga u ciqaabayo. Waxayna ugu sheekeeyeen inuunan Ilaahay addoommadiisa ku farxin oona kalsooni saarin. Ayuub fekradahooda qaldan wuu diiday. Si kalsooni leh buu u sheegay inuu daacadnimadiisa ilaa u dhinto haysan doono.

Haddaba Ayuub qalad buu galay. Waxaa muhim la noqotay inuu caddeeyo xaqnimadiisa. Nin dhallinyaro ah oo Eliihuu la yiraahdo oo dooddaas dhegeysanayay baa hadalkoodii ka qaybgalay. Eliihuu Ayuub buu canaantay waayo wuxuu qiimeyn waayay inay caddaynta sayidnimada Ilaah Yehowah aad uga muhimsan tahay in laysku ekaysiiyo qof xaq ah. Aad buuna u canaantay saaxiibbadii xumaa oo Ayuub.

Ilaah Yehowah fekradihii Ayuub wuu saxay. Yehowah wuxuu Ayuub u tilmaamay abuuristiisa cajaa’ibka leh. Tani waxay Ayuub ka fekersiisay yaraanta binuʼaadanka markii Ilaahay weynaantiisa la barbardhigo. Si kibir lahayn buu Ayuub u aqbalay sixidda Ilaahay. Yehowah wuu “raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.” (Yacquub 5:11) Sidaa daraaddeed Ayuub wuu u soo celiyay caafimaadkiisii. Xoolihiisii u haysan jirayna laba jibbaar buu siiyay. Toban carruurna wuu ku barakeeyay. Waxaan aragnay inuu Shayddaankii binuʼaadanka ku dacweeyay inaysan Ilaahay daacad u ahaanayn haddii la tijaabiyo. Haddaba Ayuub baa jawaab siiyay markuu xajiyay daacadnimadiisa.

Casharkan wuxuu ku saabsan yahay buugga Ayuub.