Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 1

Abuuraha Binuʼaadanka Jannuu Siiyay

Abuuraha Binuʼaadanka Jannuu Siiyay

Ilaahay wuxuu abuuray caalamka iyo dunida waxaa ku nool oo dhan. Nin iyo naag kaamil ah buu abuuray wuxuuna dejiyay beer qurux badan oo amarro ay raacaan buu siiyay

“BILOWGII Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.” (Bilowgii 1:1) Kelmedahan waxaa lagu sheegay inay yihiin kelmedihii ugu caansanaa oo weligeed qoraal lagu furay. Aayaddaas gaaban oo la yaabka leh waxay ina baran Ilaaha Qaadirka ah Yehowah oo ah Kan ugu muhimsan uu Kitaabka oo dhan ka hadlo. Aayaddan u horreysa oo Kitaabka waxay ina bartaa inuu Ilaahay abuuray samada weynaanta badan iyo dhulka aan ku noolnahay. Kuwa ku xigana waxay inoo sharaxaan inay jireen waqtiyo dheer oo loogu sheegay maalmo. Waqtiyadaas gudahood Ilaahay wuxuu inoo diyaariyay dunida aan ku noolnahay iyo waxyaalaha quruxda badan oo ku yaallaba.

Ilaahay wuxuu dunida ku abuuray oo dhan waxa ugu yaab badnaa ninkii ugu horreeyay. Ninkan Ilaahay araggiisa baa laga sameeyay sida aawadeed ayuu u muujin karay tayooyinka Yehowah sida jacaylkiisa iyo xigmaddiisa. Ilaahay ciidda dhulka buu ka abuuray ninka. Wuxuuna u magacaabay Aadan oo beertii jannada ee Ceeden buu dejiyay. Ilaahay laftigiisa baa beertaas beeray oo wuxuu ka buuxiyay geedo miro badan leh oo qurxoon.

Ilaahay wuxuu gartay inay naag u wanaagsan tahay ninka. Sidaa darteed ayuu Aadan feedhiisa naag uga abuuray oo markaana ninkii buu u geeyay oo xaas uga dhigay. Dabadeedna Aadan naagtii wuxuu u bixiyay Xaawa. Farxad buuna la buraanburay oo wuxuu yiri: “Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga.” Ilaahayna wuxuu yiri: “Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.”—Bilowgii 2:22-24; 3:20.

Ilaahay labo amar buu siiyay Aadan iyo Xaawa. Ugu horreyn wuxuu faray inay dhulka beeraan oo dhaqaaleeyaan dhashoodana ka buuxiyaan. Amarka labaadna wuxuu ka mamnuucay cunidda geed keliya oo beertaas weynaanta badan ku yaallay. “Geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta.” (Bilowgii 2:17) Hadday khilaafaan way dhiman lahaayeen. Amarradaas Ilaahay ninka iyo naagta wuxuu ku siiyay fursad ay ku muujiyaan inay aqbalsan yihiin xukunkiisa. Haddii ay dhegeysan lahaayeen waxay muujin kareen jacaylka iyo mahadnaqa ay Ilaahay u qabeen. Inay yeelaan bay ahayd xukunkiisa raxmadda badan. Kitaabka waxaa ku qoran: “Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen.” (Bilowgii 1:31) Sida awgeed ninkaas iyo naagtaas kaamilka ah wax cillad ah may lahayn.

—Casharkan wuxuu ku saabsan yahay Bilowgii qaybaha 1 iyo 2.