Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 CASHARKA 1

Markhaatiyaasha Yehowah Waa Dad Sidee ah?

Markhaatiyaasha Yehowah Waa Dad Sidee ah?

Danimarka

Taywaan

Fanansuwela

Hindiya

Ma taqaannaa dad Markhaatiyaasha Yehowah ah? Malaha waxaannu nahay deriskaaga ama dad kula shaqeeya ama iskuulka kula dhigta. Waxaa dhici karta inaan Kitaabka ka wadahadalnay. Laakiin yaannu nahay? Maxaanna bulshada uga sheegnaa rumaysadkeenna?

Dad caadi ah baan nahay. Waxaan ka nimid bulshooyin iyo xaalado kala duwan. Qaar naga mid ah diimo kale bay ka tirsanayeen kuwana Ilaah maba aammini jirin. Haddaba kulligeen si fiican baan u barannay tacliimaha Kitaabka Quduuska ah intaannan Markhaatiyaasha Yehowah noqon. (Falimaha Rasuullada 17:11) Markaan aqbalnay waxyaalaha aan barannay si shakhsi ahaan ah baan u doorannay inaan Ilaahay Yehowah caabudno.

Barashada Kitaabka Quduuska ah way inoo wanaagsan tahay. Sida binuʼaadanka oo dhan waxaan la kulannaa dhibaatooyin iyo itaaldarro. Laakiin waxaannu aragnaa inay barashada Kitaabka wanaajiso nolosheenna markaan isku dayno inaan addeecno. (Sabuurradii 128:1, 2) Taasi waa mid ka mid ah sababaha aan dadka ula qaybsanno waxyaalaha wanaagsan aan Kitaabka Quduuska ah ka barannay.

Waxaan u noolnahay siduu Ilaahay rabo. Wuxuu Ilaahay ina baray Kitaabka Quduuska ah bay ku jiraan oo way ina caawiyaan sidaan u helno nolol farxad leh. Dad raxmad badan oo daacad ah inaan noqonno bay ina baraan iyo inaan dadka kale ixtiraamno. Waxayna inaga dhigaan dad caafimaad qaba oo bulshada wax tara. Midnimada qoyska iyo damiirka dadka bay xoojiyaan. “Ilaah inuusan dadka u kala eexan” waan hubnaa saas awgeed rumaysadkeenna baan ku midownay oo walaaltinnimo caalami ah baan ka tirsan nahay. Walaaltinnimo ka xoreysan cunsurinimo iyo xuduudaha siyaasiga ah. Marka nala fiiriyo waxaannu nahay ummad gaar ah inkastoo aannu shakhsi ahaan nahay dad caadi ah.—Falimaha Rasuullada 4:13; 10:34, 35.

  • Markhaatiyaasha Yehowah sidee bay dadka kale ula mid yihiin?

  • Markhaatiyaasha Yehowah habkee buu Kitaabku baray inay u noolaadaan?