Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 CASHARKA 25

Hoolalka Boqortooyada Sidee Baa Loo Dhisaa Maxaana Loo Dhisaa?

Hoolalka Boqortooyada Sidee Baa Loo Dhisaa Maxaana Loo Dhisaa?

Boliifia

Nayjeeriya tii hore iyo tii dambe

Tahiti

Sida laga arko magaca Hoolka Boqortooyada tacliinta ugu muhimsan ee Kitaabka oo meelahan laga hadlo waa Boqortooyada Ilaahay. Tani waxay ahayd tacliintii ugu muhimsanayd uu Ciise ka hadli jiray wacdigiisa.—Luukos 8:1.

Waxay yihiin xarumo bulshada ku yaal oo Ilaahay si run ah loogu caabudo. Meelahan waxaa lagu abaabulaa wacdiga warka wanaagsan ee Boqortooyada. (Matayos 24:14) Hoolalka Boqortooyada dhismadooda iyo weynaantooda way kala duwan yihiin. Laakiinse waa dhismooyin muuqaal sahlan leh waxaana isticmaali karo dhowr kiniisadood. Sidaan u qaabbilno dadka badan oo kiniisadaha ku soo biirmayo sanadahan la soo dhaafay waxaa la dhisay kumanyaal Hoolal Boqortooyo. Waa qiyaas leʼeg shan cusub maalin walba. Sidee waxan suuraggal u yihiin?—Matayos 19:26.

Waxaa lagu dhisaa sadaqo meel dhexdhexaad ah lagu ururiyay. Lacagtan waxaa loo diraa laamaha si loogu diyaariyo kiniisadaha u baahan inay hagaajiyaan ama dhistaan Hool Boqortooyo.

Mushaar laʼaan waxaa si xor ah u dhisa dad bulsho walba ka yimid. Waddammo badan waxaa lagu abaabulay Kooxo Dhiso Hoolalka Boqortooyada. Kooxadan iyo kuwa caawiyo kiniisadaha waddankooda mid mid bay u caawiyaan. Xitaa waxay aadaan tuulooyinka aad u fogfog siday u dhisaan Hoolalkooda Boqortooyada. Waddammada kalena maammulidda cusboonaynta iyo dhisidda Hoolalka Boqortooyada waxaa loo dhiibaa Markhaatiyaal shaqada ku habboon oo xilka gobol gooni ah la siiyay. Inkastoo walaalo badan oo sancad yaqaan ah ay ka shaqeeyaan dhismada Hoolalka Boqortooyada shaqaalaha badnaantood waa walaalaha kiniisaddaas ku jira. Waxan oo dhan waxaa suuraggal ka dhigo ruuxa Yehowah iyo dadaalka dadkiisa oo xagga qalbiga ka yimid.—Sabuurradii 127:1; Kolosay 3:23.

  • Meelaha aan Ilaahay ku caabudno maxaa loogu bixiyay Hoolalka Boqortooyada?

  • Sidee bay u suurtooday in Hoolalka Boqortooyada dunida oo dhan lagu dhiso?