Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 CASHARKA 16

Hawsha Caawiyayaasha Kiniisadda Maxay Tahay?

Hawsha Caawiyayaasha Kiniisadda Maxay Tahay?

Myanmar

Khudbad

Kulanka wacdiga

Dayactirka Hoolka Boqortooyada

Kitaabka masʼuuliyadda nimanka Kirishtaanka ah laba nooc buu u kalasaaraa “hoggaamiyayaasha kiniisadda iyo caawiyayaasha.” (Filiboy 1:1) Sida caadinimada ah kiniisad walba waxaa u adeega nimankan oo kale. Shaqadee bay nimankan wanaaggeenna u sameeyaan?

Waxay kaalmeeyaan odayaasha kiniisadda. Caawiyayaasha kiniisaddu waa niman da’ kala duwan oo Ilaahay xiriir fiican la leh. Way dadaal badan yihiin waana laysku halleyn karaa. Waxay ka shaqeeyaan abaabulka iyo hawsha joogtada ah oo kiniisadda. Culayskay ka qaadaan odayaasha siday u tixgeliyaan masʼuuliyaddooda ku saabsan dhawridda iyo waxbaridda kiniisadda.

Waxay bixiyaan adeegid waxtar leh. Caawiyayaasha qaarkood waxaa lagu qaybiyaa inay albaabka istaagaan oo dadka soo dhoweeyaan. Qaar waxay masʼuul ka yihiin qalabyada maqalka iyo codka ama qaybinta wargeysyada, xisaabinta lacagta, cinwaannada wacdiga iyo dayactirka Hoolka Boqortooyada. Odayaashana waxay kuwo ka codsan karaan inay kaalmeeyaan kuwa waayeelka ah. Xil walba oo la saaro caawiyayaasha diyaar bay u yihiin inay sameeyaan. Taas daraaddeedna dadka kiniisaddu aad bay u xushmeeyaan nimankaas.—1 Timoteyos 3:13.

Waxay inoo yihiin masaal fiican. Caawiyayaasha kiniisadda waxaa lagu doortaa tayooyinkooda iyo dabeecaddooda fiican uu Ilaahay ka helo. Markay khudbad kulanka ka dhiibaan waxay xoojiyaan iimaankeenna. Hoggaaminta hawsha wacdiga way inagu guubaabiyaan. Waxay kordhiyaan nabadda iyo midnimada kiniisadda markay si fiican ula wada shaqeeyaan odayaasha kiniisadda. (Efesos 4:16) Mustaqbalka waxay u qalmi karaan inay noqdaan odayaal.

  • Caawiyayaasha kiniisaddu waa niman sidee ah?

  • Caawiyayaasha maxay u taraan kiniisadda?