Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 8

Dhimashadii Ciise Maxay Adiga Kaga Dhigan Tahay?

Dhimashadii Ciise Maxay Adiga Kaga Dhigan Tahay?

Ciise wuu inoo dhintay si aynu u noolaan karno. Yooxanaa 3:16

Markii uu Ciise dhintay saddex maalmo kaddib naago baa qabrigiisa booqday oo waxay arkeen kaasoo faaruq ah. Yehowah Ciise dib buu u soo nooleeyay.

Markaas kaddib Ciise rasuulladiisii buu u muuqday.

Runtii, Yehowah Ciise dib buu u soo nooleeyay oo wuxuu ka dhigay malaaʼig xoog weyn oo aan dhiman karin. Ciise xertiisu way arkeen markii uu samada aadayay.

 Ilaahay Ciise dib buu u soo nooleeyay kaddibna wuxuu ka dhigay Boqorka Boqortooyada Ilaahay. Daanyeel 7:13, 14

Ciise naftiisa ayuu inoo bixiyay sidii uu binuʼaadanka u madaxfuro. (Matayos 20:28) Sidaa daraaddeed Ilaahay wuxuu inoo suuraggelin doonaa nolosha weligeed ah.

Yehowah, Ciise wuxuu ka dhigay Boqorka adduunka maammuli doona. Isaga waxaa caawin doonaa 144,000 oo qof oo daacad ah oo dhulka laga soo qaaday oo samada lugu soo nooleeyay. Ciise iyo 144,000 waxay maammulayaan dowlad xaq ah oo samada ku taalla. Taasoo la yiraahdo Boqortooyada Ilaahay.—Muujintii 14:1-3.

Boqortooyada Ilaahay dhulka waxay ka dhigi doontaa meel raaxo badan. Dagaal iyo dembi iyo faqrinimo iyo gaajo ma jiri doonaan. Dadku si run ah bay u farxi doonaan.—Sabuurradii 145:16.