Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 10

Barakooyinkee Baa Sugaya Kuwa Ilaahay Dhegeysta?

Barakooyinkee Baa Sugaya Kuwa Ilaahay Dhegeysta?

Kuwa dhintay intooda badan adduunka waa lugu soo nooleyn doonaa. Falimaha Rasuullada 24:15

Ka feker barakooyinka ad ku raaxaysan doontid haddii ad Yehowah dhegeysatid! Weligaaba caafimaad fiican baa qabi doontaa; qofna ma jirran doono. Qof xumaan sameeya ma jiri doono, oo qof kastaba waad aammini kari doontaa.

Xanuun, murugo iyo oohin ma jiri doonaan. Qofna ma gaboobi doono oo ma dhiman doono.

 Asaxaabtaada iyo reerkaaga way kula joogi doonaan. Noloshu raaxo bay ahaan doontaa.

Cabsi ma jiri doonto. Dadku si run ah bay u farxi doonaan.

Boqortooyada Ilaahay dhibaato iyo rafaad oo dhan bay joojin doontaa. Muujintii 21:3, 4