Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 5

Ayaamihii Nuux​—⁠Yaa Dhegeystay Ilaahay? Yaana Dhegeysanin?

Ayaamihii Nuux​—⁠Yaa Dhegeystay Ilaahay? Yaana Dhegeysanin?

Waqtigii Nuux dadka intooda badan xumaan bay sameeyeen. Bilowgii 6:5

Aadan iyo Xaawa carruur bay dhaleen oo dadku dhulka way ku bateen. Waqti dambe malaaʼigaha qaarkood ayaa caasinimadii Shayddaanka ku soo biiray.

Dhulkay yimaaddeen oo nimanka bay isku ekaysiiyeen siday naagaha u guursadaan. Naagaha waxay dhaleen wiilal caadi aan ahayn oo baʼan oo xoog waaweyn.

Adduunka waxaa ka buuxsamay dad xumaanta sameeya. Kitaabka Quduuska ah wuxuu yiri, ‘dadka sharkiisu dhulka wuu ku batay. Fikirradooda iyo qorshadooda xumaan baa ka buuxday had iyo goorba.’

 Nuux Ilaahay ayuu dhegeystay oo markab weyn buu dhisay. Bilowgii 6:13, 14, 18, 19, 22

Nuux nin wanaagsan buu ahaa. Yehowah Nuux wuxuu ku yiri kuwa sharka leh daad weyn buu ku baabbiʼin doonaa.

Ilaahay Nuux wuxuu ku yiri markab weyn dhis sidii uu reerkiisa iyo noocyo badan oo xayawaan ah ugu qaadi karo.

Daadka soo socda Nuux dadka digniin buu ka siiyay laakiinse isaga may dhegeysan. Kuwo way ku qosleen oo kuwa kalena way karheen.

Markii uu dhismihii markabkii dhammeeyay Nuux xayawaankii wuu dhex geliyay gudihiisa.