Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 QAYBTA 4

Markay Shayddaanka Dhegeysteen Maxaa Dhacay?

Markay Shayddaanka Dhegeysteen Maxaa Dhacay?

Aadan iyo Xaawa Ilaahay may addeecin oo sidaa darteed way dhinteen. Bilowgii 3:6, 23

Xaawa maskii way dhegeysatay oo mirihii geedka way cuntay. Markaas kaddib Aadan bay wax ka siisay oo isaguna wuu cunay.

Waxay sameeyeen qalad bay ahayd, oo taasi dembi bay ahayd. Ilaahay iyaga Beertii Ceeden wuu ka saaray.

Iyaga iyo carruurtooda noloshu way ku adkaatay. Way gaboobeen oo wayna dhinteen sidaas daraaddeed jiritaankoodii wuu dhammaaday.

 Kuwa dhintay ma noola oo ciid oo kale bay la mid yihiin. Bilowgii 3:19

Gebigeennu Aadan iyo Xaawa waynu ka abtirsannaa, sidaas awgeed waynu dhimannaa. Kuwii dhintay ma arki karaan oo ma maqli karaan oo waxba ma sameyn karaan.—Wacdiyahii 9:5, 10.

Yehowah ugu ma talaggelin inay dadku dhintaan. Mar dhow kuwa dhintay wuu soo nooleyn doonaa. Haddii ay isaga dhegeystaan, weligoodba way noolaan doonaan.