Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 Casharka 9

Yeremyaah Ma Joojin ka Hadalka Yehowah

Yeremyaah Ma Joojin ka Hadalka Yehowah

Maxay dadku Yeremyaah ugu xanaaqeen?

Yehowah wuxuu hubiyay in la badbaadiyo Yeremyaah

Marmar markaan dadka Yehowah kala hadalno way nagu qoslaan ama way nagu xanaaqaan. Markay sidaan dhacdo waxay naga keeni karta inaan joojino ka hadalka Ilaahay. Weligaa sidaas ma dareentay?— Kitaabka wuxuu inooga sheekeeyaa wiil dhallinyar ah oo Yeremyaah la dhaho. Yeremyaah aad buu Yehowah u jeclaa. Laakiin wuxuu ku dhowaaday inuu joojiyo ka hadalka Ilaahay. Bal aan isaga wax ka sii baranno.

Markuu Yeremyaah dhallinyaro ahaa Yehowah wuxuu u sheegay inuu dadka digniin ka siiyo inay waxyaalaha xun joojiyaan. Arrintan Yeremyaah aad bay ugu adkaatay wuuna cabsaday. Yehowah wuxuu ku yiri: ‘Anigu ma aan aqaanid waxaan ku hadlo waayo dhallinyaraan ahay.’  Haddaba Yehowah wuxuu isaga ku yiri: ‘Ha baqin. Anigaa ku caawin doona.’

Markaas Yeremyaah wuxuu bilaabay inuu dadka digniin siiyo in Ilaahay xukumi doono haddaynan is beddelin. Maad u maleysaa inay Yeremyaah dhegeysteen?— Maya. Way ku qosleen wayna ku xanaaqeen. Qaar inayba dilaan bay rabeen! Yeremyaah sidee baad u maleysaa inuu dareemay?— Wuu cabsaday oo wuxuu yiri: ‘Yehowah mar dambe ka hadli maayo.’ Laakiin run ahaan ma joojiyay inuu Yehowah ka hadlo?— Maya ma joojin. Aad iyo aad buu Yehowah u jeclaa oo ma joojin karin inuu ka hadlo. Yehowahna wuu ilaaliyay Yeremyaah waayo ma uu joojin inuu ka hadlo.

Mar niman xun baa Yeremyaah ku tuuray god dheer oo dhoobo ka buuxdo. Wuxuu cabo iyo wuxuu cunaba ma haysan. Nimankan waxay rabeen inuu Yeremyaah meesha ku baqtiiyo. Laakiin Yehowah baa u gargaaray oo wuu baxsaday!

Sheekadii Yeremyaah maxaad ka baran kartaa?— Yeremyaah ma joojin inuu Yehowah ka hadlo xitaa markuu cabsaday. Markaad Yehowah ka hadashid dadka way kugu qosli karaan ama way kugu xanaaqi karaan. Waxaa dhici karta inaad xishootid ama cabsatid. Laakiin weligaa ha joojin inaad Yehowah ka hadashid. Yehowah siduu Yeremyaah u caawiyay buu adna mar walba kuu caawin doonaa.

KITAABKAAGA KA AKHRI

  • Yeremyaah 1:4-8; 20:7-9; 26:8-19, 24; 38:6-13