Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 Casharka 13

Timoteyos Wuxuu Rabay Inuu Dadka Caawiyo

Timoteyos Wuxuu Rabay Inuu Dadka Caawiyo

Timoteyos wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo jeclaa inuu dadka caawiyo. Meelo badan buu u safri jiray siduu dadka u caawiyo. Sidaas daraaddeed noloshiisa waxay ahayd mid aad u xiiso leh. Ma rabtaa inaad noloshiisa wax ka ogaatid?—

Ayeeyadiis iyo hooyadiis baa Timoteyos Yehowah baray

Timoteyos wuxuu ku soo koray magaalo Lustara la dhaho. Ilaa markuu yaraa ayeeyadiis Lowis iyo hooyadiis Yunikee baa Yehowah bari jiray. Timoteyos markuu weynaaday wuxuu rabay inuu dadka kale ku caawiyo inay Yehowah bartaan.

Markuu Timoteyos dhallinyaro ahaa Bawlos baa weyddiiyay inuu la safro siday meelo kale wacdiga uga sameeyaan. Timoteyos wuxuu yiri: ‘Haa waan ku raacaya!’ Diyaar buu u ahaa inuu tago oo dadka caawiyo.

 Timoteyos Bawlos wuxuu u raacay magaalo Tesaloniika la dhaho oo Makedoniya ku taal. Waxay ahayd inay in badan lugeeyaan oo doon fuulaan siday magaaladaas u tagaan. Aakhirkii markay magaaladii gaareen dad badan bay ku caawiyeen inay Yehowah bartaan. Laakiin dad baa aad ugu cadhooday oo waxay isku dayeen inay weeraraan. Markaa waxay noqotay inay Bawlos iyo Timoteyos meesha ka tagaan oo meelo kale soo wacdiyaan.

Timoteyos wuxuu lahaa nolol farxad badan oo xiiso leh

Bilo kaddib Bawlos baa Timoteyos weyddiiyay inuu Tesaloniika ku noqdo oo soo fiiriyo siday walaalihii ahaayeen. Magaaladaas khatar bay ahayd oo ku noqoshadeeda geesinnimo weyn bay u baahneed! Haddaba Timoteyos walaalihii buu ka welwelsanaa oo sidaas darteed buu magaaladaas ugu noqday. War wanaagsan buuna Bawlos ula soo noqday. Walaalihii Tesaloniika aad bay u wanaagsanaayeen.

Timoteyos sanado badan buu Bawlos la shaqeeyay. Bawlos mar wuxuu yiri in Timoteyos ahaa qofka ugu fiican uu Kiniisadaha kaalmayntooda u soo diri karay. Timoteyos Yehowah wuu jeclaa dadkana wuu jeclaa.

Adiguna dadka ma jeceshahay oo ma rabtaa inaad ku caawisid inay Yehowah bartaan?— Haddaad sidaas dareentid sidii Timoteyos waxaad heli kartaa nolol farxad badan oo xiiso leh!

KITAABKAAGA KA AKHRI

  • 2 Timoteyos 1:5; 3:15

  • Falimaha Rasuullada 16:1-5; 17:1-10

  • 1 Tesaloniika 3:2-7

  • Filiboy 2:19-22