Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

 Casharka 1

Sir Qarsoon aan Rabno Inaan Ogaano

Sir Qarsoon aan Rabno Inaan Ogaano

Weligaa qof sir muu ku sheegay?— * Kitaabku wuxuu ka hadlaa wax qarsoon oo gaar ah. Waxan waa gaar waayo Ilaahay bay ka yimaaddeen. Waana qarsoodi waayo dadku waxba ka ma oga. Xitaa malaaʼigaha baa jeclaa inay ogaadaan. Miyaad jeclaan lahayd inaad sirtan qarsoon ogaatid?—

Malaaʼigaha maxay rabeen inay ogaadaan?

Waa hore Ilaahay ninkii iyo naagtii ugu horreeyay buu abuuray. Magacyadoodii waxay ahaayeen Aadan iyo Xaawa. Ilaahay wuxuu siiyay meel qurux badan ay ku noolaadaan oo la oran jiray beertii Ceeden. Haddii ay Aadan iyo Xaawa Ilaahay dhegeysan lahaayeen carruurtooda iyo iyaguba dunida oo dhan waxay ka dhigi lahaayeen janno sida beertaas. Oo weligood Janno bay ku noolaan kari lahaayeen. Laakiinse ma xusuusata Aadan iyo Xaawa waxay sameeyeen?—

Aadan iyo Xaawa Ilaahay may dhegeysan sidaas daraaddeed janno maanta kuma noolin. Haddaba Ilaahay wuxuu yiri inuu dunida oo dhan qurxin doono. Oo ay dadka oo dhan weligood farxad ku noolaan doonaan. Sidee buu waxan u sameyn doona? Dadku waqti dheer may ogeen. Waxay ahayd wax qarsoodi ah.

Markuu Ciise dunida joogay dadka wuxuu baray waxan qarsoon. Wuxuuna u sheegay inay Boqortooyada Ilaahay ku saabsanayeen. Ciise dadka wuxuu baray inay u tukadaan inay timaaddo Boqortooyada Ilaahay. Dunida oo dhan janno qurux badan bay ka dhigi doonta.

Ma jeclaan lahayd inaad ogaatid sirtan qarsoon?— Ha illoobin inay kuwa Yehowah dhegeysto keliya ku noolaan doonaan Jannada. Kitaabka wuxuu inoo sheegaa sheekooyin badan oo ka hadla niman iyo naago Yehowah dhegeysan jiray. Miyaad rabtaa inaad wax ka ogaatid dadkaas?— Bal aan aragno qaar ka mid ah siday ahaayeen iyo sidaan ugu dayan karno.

KITAABKAAGA KA AKHRI

  • Markos 4:11

  • 1 Butros 1:12

  • Bilowgii 1:26-28; 2:8, 9; 3:6, 23

  • Matayos 6:9, 10

  • Sabuurradii 37:11, 29

^ qayb. 3 Sheekooyinkan dhexdooda waxaad arkaysaa inay suʼaalaha qaarkood ay calaamaddan (—) ka dambeyso. Meeshan ku jooji oo ilmahaaga waqti sii uu ku jawaabo.