Fiiri sawirka wiilka yar. Soo u ma ekaa inuu cidloonayo oo cabsanayo? Weligaa sidaas ma dareentay?— Dadkoo dhan marmar sidaas way dareemaan. Kitaabka wuxuu ka hadlaa qaar Yehowah saaxiibbadiis ahaa oo cidlooday cabsina dareemay. Mid wuxuu ahaa Eliiyaah. Bal isaga aan wax ka baranno.

Yesebeel waxay rabtay inay Eliiyaah disho

Eliiyaah waa hore intuunan Ciise dhalan buu Israaʼiil degganaa. Waqtigaas Axaab oo ahaa boqorkii Israaʼiil ma caabudi jirin Ilaaha runta ah Yehowah. Axaab iyo naagtiisa Yesebeel waxay caabudi jireen ilaah been ah oo Bacal la dhaho. Sidaa darteed reer binu Israaʼiil badnaantooda waxay bilaabeen inay Bacal caabudaan. Boqoraddii Yesebeel waxay ahayd naag aad u xun oo cadhaysan waxayna rabtay inay disho Eliiyaah iyo dadka Yehowah caabuda oo dhan! Maxaad u maleysaa inuu Eliiyaah sameeyay?—

 Eliiyaah wuu cararay! Cidlada fog buu aaday oo god buu ku dhuuntay. Muxuu saas u yeelay?— Wuu cabsanayay. Laakiin inuu cabsado ma ahayd? Maya waayo Eliiyaah wuxuu ogaa in Yehowah caawin karo. Yehowah Eliiyaah horey buu u tusay xooggiisa. Yehowah mar samada dab buu ka soo dayay siduu uga jawaabo baryadii Eliiyaah. Hadduu Yehowah sidaas sameeyay haddana wuu caawin kara Eliiyaah!

Yehowah sidee buu Eliiyaah u caawiyay?

Markuu Eliiyaah godka ku jiray Yehowah baa la hadlay oo weyddiiyay: “Maxaad halkan ka sameynaysaa?” Eliiyaahna wuxuu ku jawaabay: ‘Kuwii ku caabudayay aniga keligay baa ka hadhay. Keligay baan ahay waxaanna ka cabsanaya in lay dilo.’ Eliiyaah wuxuu u maleeyay in la wada dilay kuwii Yehowah caabudi jiray oo dhan. Laakiin Yehowah Eliiyaah wuxuu ku yiri: ‘Maya run ma ahaan. Toddoba kun oo kale oo weli ii caabuda baa hadhay. Geesi noqo. Weli shaqo badan baan ku haya!’ Maad u maleysaa inuu Eliiyaah ku farxay wuxuu Yehowah yiri?—

Wixii Eliiyah ku dhacay maxaad ka baran karta?— Inaad weligaa cabsatid oo cidlootid ma ahaan. Waxaad haysataa saaxiibbo Yehowah jecel oo adigana ku jecel. Yehowah xoog badan buu haysta mar walbana wuu ku caawin doona! Soo ku ma faraxsanid inuu Yehowah mar walba kula jiro?—

KITAABKAAGA KA AKHRI

  • 1 Boqorradii 19:3-18

  • Sabuurradii 145:18

  • 1 Butros 5:9