Ka bood oo aad shayga

Boqortooyada Ilaahay Maxay Tahay?

Boqortooyada Ilaahay Maxay Tahay?

Miyay tahay . . .

  • malaaʼigaha?

  • wax sheeko sheeko ah?

  • dowlad samada ku taallo?

 KITAABKA QUDUUSKA AH WUXUU YIRI

“Ilaaha samadu [wuxuu] dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbiʼinayn.”—Daanyeel 2:44, Kitaabka Quduuska ah.

“Waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa.”—Ishacyaah 9:6.

AAYADAHAAS DARAADDEED WAXAAD HELI KARTAA

  • Dowlad xaq ah oo noloshaada wax u tari karta.—Ishacyaah 48:17, 18.

  • Farxad badan iyo caafimaad kaamil ah markay dunidan hagaagto.—Muujintii 21:3, 4.

 MIYAAN RUMAYSAN KARNAA KITAABKA QUDUUSKA AH?

Haa waayo:

  • Ciise wuxuu ina tusay waxay Ilaahay Boqortooyadiisa sameyn doonto. Wuxuu baray kuwa isaga raaco inay u tukadaan imaatinka Boqortooyada Ilaahay oo doonista Ilaahay dhulka laga yeelo. (Matayos 6:9, 10) Ciise wuxuu inoo muujiyay sida baryadaas looga jawaabi doono.

    Ciise markuu dunida joogay buu ina sii tusay nimcada fiican ay Boqortooyadu u keeni doonto kuwa maammulkeeda aqbala markuu noqdo Hoggaamiyaha Boqortooyada Ilaahay. (Muujintii 11:15) Dadkii baahnaa buu cunto siiyay kuwii jirranaana wuu bogsiiyay. Xitaa kuwii dhintay buu soo nooleeyay.—Matayos 15:29-38; Yooxanaa 11:38-44.

  • Xaaladda dunida baa muujiso inay dhowaan Boqortooyada Ilaahay iman doonto. Markuu dhow yahay waqtiga ay Boqortooyadu dunida u keeni doonto nabad Ciise wuxuu sii sheegay in dagaallo, abaaro iyo dhulgariirro ay qabsan doonaan adduunka.—Matayos 24:3, 7.

    Maanta waxyaalahaas oo dhan way ina hor yaallaan. Sidaas darteed waan hubnaa inay dhowaan Boqortooyada Ilaahay joojin doonto dhibaatooyinka dunida.

 BAL KA FEKER

Noloshu sidee bay noqon doontaa markay Boqortooyada Ilaahay dunida maammusho?

Jawaabta waxaa laga helaa buugga SABUURRADII 37:29 iyo ISHACYAAH 65:21-23.