Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

“Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.”—SABUURRADII 85:12

Weligaa Hel Barakooyinka Ilaahay

Weligaa Hel Barakooyinka Ilaahay

Ilaahay wuxuu nebi Ibraahim ka ballanqaaday inuu mid ka mid ah farcankiisa “quruumaha dunida oo dhammu” barakooyin u keeni doono. (Bilowgii 22:18) Farcankaas waa ayo?

In ku dhow 2,000 kun oo sano ka hor, Ilaahay wuxuu siiyay nebi Ciise oo ahaa farcankii Ibraahim, awoodda uu ku fuliyo mucjisooyin waaweyn. Mucjisooyinkaas waxay muujiyeen inay ballantii Ibraahim loo ballanqaaday ay quruumaha ku soo gaari doonto Ciise.—Galatiya 3:14.

Ciise mucjisooyinkuu sameeyay waxay dadka u caddeeyeen inuu isaga ahaa midkuu Ilaahay u doortay inuu aadanaha ku barakeeyo. Waxay kaloo ina tuseen siduu Ilaahay mustaqbalka Ciise u adeegsan doono siduu binuʼaadanka weligood u barakeeyo. Bal eeg siday mucjisooyinkii Ciise inoogu muujiyeen dabeecaddiisa soo jiidashada leh.

Kalgacaylnimo—Ciise wuxuu bogsiiyay kuwii jirranaa.

Maalin, nin baras qaba ayaa Ciise ka baryay inuu bogsiiyo isagoo leh: “Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.” Ciise intuu taabtay ninkii ayuu ku yiri: “Waa doonayaa.” Kolkiiba wuu bogsaday.—Markos 1:40-42.

Deeqsinimo—Ciise wuxuu quudiyay kuwii gaajaysnaa.

Ciise ma doonaynin inay dadku gaajoodaan. In ka badan hal jeer, wuxuu si mucjiso ah u quudiyay kumanyaal qof, isagoo u badinaya dhowr xaabo oo kibis iyo kalluun ah. (Matayos 14:17-21; 15:32-38) Markay dadkii dhammaantood wax cuneen oo wada dhergeen, cunto aad u badan ayaa soo hadhay.

Naxariis—Ciise wuxuu soo nooleeyay kuwii dhintay.

Ciise wuxuu aad ugu “naxariistay” carmal murugaysan oo lahayn qof kale. Wiilkeedii keliya oo ka dhintay buu u soo sara kiciyay.—Luukos 7:12-15.