Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

Miyaad caawin kartaa dadka kale adigoon tixgelin daʼdooda, jinsigooda ama diintooda?

Barakooyinka Sugaya Kan u Gargaaro Kuwa Baahan

Barakooyinka Sugaya Kan u Gargaaro Kuwa Baahan

Maanta dad badan oo dunida ku nool ma haystaan cunto iyo hooy. Aad bay ugu baahan yihiin rajo mustaqbalka ku saabsan. Markaan ku dadaalno inaan kuwan oo kale caawino, sidee baan barakada Ilaahay u heli doonnaa?

MUXUU QORNIINKA QUDUUSKA AH YIRI

“Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.”—MAAHMAAHYADII 19:17.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY IN QOF BAAHAN LOO GARGAARO

Ciise mar wuxuu ka sheekeeyay nin ay tuugag si xun u garaaceen oo ay ka tageen isagoo bestiis ah. (Luukos 10:29-37) Ninkaas isagoo xoog u dhaawacan waxaa u gargaaray oo daryeelay nin ajanabi ah. Ninkaas naxariista badan wuxuu waxan sameeyay inkastuu asal ahaan ka soo jeeday qowmiyad kale.

Caawimaadda ninkaas lacag iyo daawo way ka sii badnayd. Wuxuu xitaa tixgeliyay nafsadda ninka dhaawacan.

Maxaan ka baran karnaa sheekadan? Ciise wuxuu muujinayay inay waajib tahay inaan kuwa baahan ku caawino wax walba aan ka caawin karno. (Maahmaahyadii 14:31) Qorniinka Quduuska ah waxay ina baraan inuu Ilaahay mar dhow masaxi doono faqrinimada iyo rafaadka. Laakiin goorma iyo sidee buu Ilaahay waxaan u sameyn doonaa? Maqaalka soo socda ayaa ka hadli doono barakooyinka uu Abuureheenna jacaylka badan inoo hayo.