Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

Qayb ka mid ah buuggii nebi Ishacyaah oo ka mid ah Qoraalladii Badda Dhimatay ayaa lala sawiray turjumaad Carabi ah oo xilligeenna la qoray. Erayga Ilaahay waxba kama beddelmin

Erayga Ilaahay Ma La Beddelay?

Erayga Ilaahay Ma La Beddelay?

Dadka qaarkood baa u maleeya in Erayga Ilaahay la beddelay. Nebigii Ishacyaah wuxuu yiri erayga Ilaahay “weligiisba wuu waari doonaa.” (Ishacyaah 40:8) Sidee baan u hubi karnaa in Erayga Ilaahay si sax ah loo kaydiyay?

Ilaahay wuxuu haystaa awoodda uu Eraygiisa ku dhawro oo faddarayn kaga ilaaliyo. Matalan, xilliyadii hore markii gacanta lagu nuquli jiray Erayga Ilaahay, qorayaal taxaddar badan baa tirin jiray xaraf walba oo Qorniinka Quduuska ah. Waxay rabeen inay xaqiijiyaan in Erayga Ilaahay waxba lagu darin, laga beddelin ama laga saarin. Si kastaba ha ahaatee, qorayaasha binuʼaadan bay ahaayeen oo qaladyo yaryar bay sameeyeen.

MA XAQIIJIN KARNAA INUU QORNIINKA QUDUUSKA AH WELI YAHAY FARRIINTII ASALKA AHAYD OO ILAAHAY?

Qoraallada Quduuska ah oo qadiimiga ahaa kumanyaal nuqul baa laga sameeyay oo ilaa maanta jira. Haddii qoraalladaas mid ka mid ah xitaa cilladda ugu yar ku jirto, marka lays barbardhigo nuqullada kala duwan baa si sahlan loo heli karaa cillad walba. Sidaad u heshid warbixin kale, eeg maqaalka “Kitaabka Quduuska ah Ma La Beddelay?” oo laga heli karo jw.org.

Tusaale ahaan, aan eegno qoraallada qadiimiga ah oo loo yaqaanno Qoraalladii Badda Dhimatay oo laga helay godad u dhow Badda Dhimatay sanadkii 1947. Qoraalladan waxaa ka kooban qaybo ka mid ah Kitaabka Quduuska ah oo jiro in ka badan laba kun oo sano. Culimmada qaarkood baa isbarbardhigay qoraalladan qadiimiga ah iyo Kitaabka Quduuska ah oo maanta jira. Bal maxay heleen?

Markii si fiican loo baadhay qoraallada qadiimiga ah ee Kitaabka, culimmadii waxay ogaadeen Erayga Ilaahay oo aan maanta haysanno inuu la mid yahay qoraalladii asalka ahaa. * Sidaas darteed, waan ku kalsoonaan karnaa inuu Ilaahay si taxaddar leh inoogu xafiday saxnimada Eraygiisa Quduuska ah.

Erayga Eebbe waxaan ku akhrin karnaa aamminaad buuxda, innagoo shaki ka qabin saxnimadiisa. Hadda aan eegno waxay nebiyadii inaga bareen Ilaahay.

^ qayb. 7 Buugga The Complete Dead Sea Scrolls in English oo uu qoray Geza Vermes, bogga 16.