Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

Waxaad Weligaa Heli Kartaa Barakooyinka Ilaah Jacayl Badan

Waxaad Weligaa Heli Kartaa Barakooyinka Ilaah Jacayl Badan
  • Ma rabtaa inaad ku noolaatid adduun uusan ka jirin dagaal, dulmi iyo rabsho?

  • Ma jeclaan lahayd inaysan cudurro, rafaad iyo dhimasho mar dambe jirin?

  • Ma doonaysaa inaad welwel iyo ciriiri xor ka noqotid?

  • Ma rabi lahayd inaad ku noolaatid meel aysan masiibo ka dhicin?

Ilaaheenna jacaylka badan, Abuuraha caalamka quruxda badan, wuxuu ballanqaaday inuu binuʼaadanka ku barakeyn doono nolol weligeed ah oo farxad iyo nabad badan. Tani riyo keliya ma aha.

Maqaallada soo socdo waxaan ka akhrin doonnaa qodobadan:

  • Abuureheenna sidee buu ka dareemaa binuʼaadanka?

  • Waa maxay farriinta ku jirta Erayga Ilaahay?

  • Maxay nebiyadii ka sheegeen barakooyinka uu Ilaahay ballanqaaday?

  • Maxaan sameyn karnaa sidaan hadda iyo mustaqbalkaba u helno farxad iyo barakooyinka Ilaahay?

Ugu horrayn aan eegno siduu Abuureheenna kalgacaylka badan u daneeyo binuʼaadanka.