Ka bood oo aad shayga

Ka bood oo aad tusmada shayga

Abuureheenna Jacaylka Badan Wuu Ina Daneeyaa

Abuureheenna Jacaylka Badan Wuu Ina Daneeyaa

1. ABUUREHEENNA QORRAXDUU INOO SOO BIXIYAA

Bal ka feker adduunka oo aan qorrax lahayn. Qorraxdu waxay geedaha siisaa awoodda ay ku soo saaraan caleemo, ubax, khudaar, midho iyo abuur. Waxay sidoo kale geedaha u banneysaa inay xididdadooda dhulka biyo kaga soo qaataan. Dabadeedna biyahaas waxay u gudbiyaan caleemahooda, kaddibna hawaday galaan iyagoo uumi ah.

2. ABUUREHEENNA ROOB BUU INA SIIYAA

Roobku waa hibo qaali ah oo Ilaahay ka timid. Wuxuu dhulka u banneeyaa inuu badar aan cuno inoo soo saaro. Ilaahay wuxuu samada inaga siiyaa roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadeenna ka dherginaya cunto iyo farxad.

 3. ABUUREHEENNA WUXUU INA SIIYAA DHAR IYO CUNTO

Aabbayaal badan waxay ka welwelsan yihiin siday qoyskooda ugu heli lahaayeen dhar iyo cunto ku filan. Bal akhri waxa aayaddan ku qoran: “Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?”—Matayos 6:25, 26.

“Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan . . . ; weliba waxaan idinku leeyahay, xataa [Boqorkii nebi] Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal . . . , sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa?”—Matayos 6:28-30.

Maadaama uu Ilaahay ina siin karo cunto iyo dhar, shaki la’aan wuu inagu caawin karaa inaan helno waxyaalaha kale oo aan u baahan nahay. Haddii aan xoogga saarno inaan fulino doonista Ilaahay, isagu wuu barakeyn karaa cuntada aan ku dadaalno inaan korsano. Wuxuu xitaa inagu caawin karaa inaan shaqo helno sidaan u iibsanno waxyaalaha aan u baahan nahay.—Matayos 6:32, 33.

Runtii markaan tixgelino qorraxda, roobka, shimbirraha iyo ubaxa waxaan arki doonnaa inaan haysanno sababo fiican aan Ilaahay ku jeclaanno. Maqaalka kan ku xigo ayaan ka arki doonnaa siduu Abuureheenna aadanaha ula hadli jiray.