Ka bood oo aad shayga

Kitaabka Quduuska ah Iyo Cilmigu May Israacsan Yihiin?

Kitaabka Quduuska ah Iyo Cilmigu May Israacsan Yihiin?

Jawaabta Kitaabka

Haa. Inkastuu Kitaabku ahayn buug cilmiyeed, mararka uu ka hadlo arrimaha cilmiga ku saabsan wuu saxan yahay. Bal eeg tusaalooyin inoo caddeeyo inay Kitaabka iyo cilmiga israacsan yihiin. Tusaalooyinkan waxay muujiyaan inuu Kitaabka ka kooban yahay xaqiiqo cilmiyeed oo aad uga duwanaa fekradaha ay dadku aamminsanayeen xilligii la qoray.

  • Caalamku bilow buu lahaa. (Bilowgii 1:1) Haddaba khuraafaad badan oo hore baa sheego inuu caalamku ahayn mid la abuuray oo laakiin yahay mid ka abaabulmay nidaamdarro. Reer Baabuloonna waxay aamminsanayeen inay ilaahyadii dhalay caalamka ay ka yimaadeen laba badood oo waa weyn. Weliba sheekooyin kale oo khuraafaad ah baa sheego inuu caalamka ka yimid ukun aad u weyn.

  • Caalamka waxaa maammulo sharciyo dabiici ah. Damacyada ilaahyo been ah ma maammulaan. (Ayuub 38:33; Yeremyaah 33:25) Khuraafaadyo laga sheego meelo badan baa dadka baro inay binuʼaadanku awood lahayn marka laga horkeeno ilaahyadaas falalkooda la saadin karin oo naxariistadaran.

  • Adduunku waxba kama laalaado. (Ayuub 26:7) Dadkii qarniyadii hore waxay u maleyn jireen inuu adduunku fidsanaa oo uu dul saarnaa qof aad u weyn ama xayawaan sida dibi ama diin.

  • Webiyada iyo ilaha biyaha waxaa quudiyo biyo ka uumi baxay badaha iyo meelo kale oo kaddibna dib ugu soo noqday dhulka iyagoo ah roob, baraf ama roobdhagaxyaale. (Ayuub 36:27, 28; Wacdiyahii 1:7; Ishacyaah 55:10; Caamoos 9:6) Haddaba Giriiggii xilliyadii hore waxay u maleyn jireen inay bad dhulka ka hooseysa webiyada waraabin jirtay. Fekraddan waxay jirtay ilaa qarnigii 18aad.

  • Buurahu kor bay u kacaan oo wayna degaan oo buuraha maanta jira mar bay ku hoos jireen badda. (Sabuurradii 104:6, 8) Haddaba dhowr sheekooyin oo khuraafaad ah baa sheego in ilaahyo been ah buuraha u abuureen qaabka ay imminka yihiin.

  • Caadada nadaafadda ayaa ilaaliso caafimaadka. Sharcigii la siiyay reer binu Israaʼiil waxaa ka koobnaa xeerar dadka ku amraya inay ismaydhaan markay taabtaan meyd, in la karantiilo kuwa qaba cudurrada faafaya iyo in saxarada ciid lagu aaso. (Laawiyiintii 11:28; 13:1-5; Sharciga Kunoqoshadiisa 23:13) Si taas ka duwan, markay amarradan soo baxeen, masriyiintii waxay hab daaweyntooda ku isticmaali jireen iskuddar ay ku jirto saxaro oo ay marin jireen nabarrada dhaawacan.

Kitaabka Quduuska ah may ku jiraan qaladyo cilmiyeed?

Baadhitaanka Kitaabka Quduuska ah ayaa muujinaya inay jawaabtu tahay maya. Hoos waxaa ku qoran fekrado qaldan oo laga qabo saxnimada Kitaabka xagga cilmiga:

Mala awaal: Kitaabku wuxuu sheegay in caalamka lagu abuuray lix maalmood oo 24 saacadood ah.

Xaqiiq: Sida uu Kitaabka sheego, Ilaahay wuxuu caalamka abuuray waqti aan la cayimi karin. (Bilowgii 1:1) Sidoo kale, maalmihii abuuridda oo lagu sharaxay qaybta 1aad ee buugga Bilowgii, waxay ahaayeen xilliyo aan dhererkooda la sheegin. Weliba waqtigii la abuuray samada iyo dhulkaba waxaa sidoo kale loogu yeeray ‘maalin.’​—Bilowgii 2:4.

Mala awaal: Kitaabka wuxuu yiri in dhirta laga hor abuuray qorraxda si loo fuliyo Habka Sameyska Cuntada.​—Bilowgii 1:11, 16.

Xaqiiq: Kitaabka Quduuska ah wuxuu inoo muujiyaa inuu Ilaahay bilowgii abuuray qorraxda oo ka mid ah xiddigaha “samada.” Sidaas awgeed, qorraxda waxay jirtay dhirta ka hor. (Bilowgii 1:1) Iftiinka qorraxda ayaa u gudbay dhulka dushiisa “maalintii” ama xilligii ugu horreeyay oo abuuridda. “Maalintii” saddexaad, markuu jawigii hawada waadax noqday, qorraxda iftiinkeeda ayaa itaal badnaaday oona ku filnaaday Habka Sameyska Cuntada. (Bilowgii 1:3-5, 12, 13) Waqti dambe ayaa qorraxda si muuqata looga arkay dhulka dushiisa.​—Bilowgii 1:16.

Mala awaal: Kitaabka Quduuska ah wuxuu sheegaa inay qorraxdu ku wareegto adduunka.

Xaqiiq: Buugga Kitaabka Wacdiyahii 1:5 waxaa ku qoran: “Qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.” Kelmedahan waxay inoo sharaxaan dhaqdhaqaaqa qorraxda sida laga arko dhulka. Xitaa maanta dadka waxay dhahaan “qorrax soo bax” iyo “qorrax dhac,” laakiin run ahaan way og yihiin inuu adduunku ku wareego qorraxda.

Mala awaal: Kitaabka Quduuska ah wuxuu yiri inuu adduunku fidsan yahay.

Xaqiiq: Markuu Kitaabka isticmaalo kelmedaha “meesha dunida ugu fog” kama dhigna inuu adduunku fidsan yahay ama cirifyo leeyahay. (Falimaha Rasuullada 1:8) Si la mid ah, erayada “dhulka afartiisa daraf” waa masaal tilmaamaya dunida oo dhan dusheeda. Matalan maanta waxaa la oran karaa afarta jiho.​—Ishacyaah 11:12; Luukos 13:29.

Mala awaal: Kitaabka wuxuu dhahaa inuu wareegga goobada yahay saddex jeer dhexroorkiisa, laakiin qiimaha saxda ah waa pi (π), oo ah xaraf Giriig ah oo laga wado in ku dhow 3.1416.

Xaqiiq: Cabbirka “berkeddii naxaasta ahayd” oo lagu sheegay 1 Boqorradii 7:23 iyo 2 Taariikhdii 4:2 waxaa ku qoran inay berkedda lahayd dhexroor 10 dhudhun ah oo “wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.” Cabbirradan waxaa laga yaabaa inay ahaayeen qiyaasta ugu dhow oo buuxda. Waana suuraggal inay qiimaha wareegga iyo dhexroorka matalayeen cabbirka berkedda gudaheeda iyo dibaddeeda.