Jawaabta Kitaabka

Kitaabka wuu fasaxaa furitaanka. Haddaba Nebi Ciise baa inoo caddeeyay sababta keliya oo guurka looga bixi karo. Wuxuu yiri: “Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa.”—Matayos 19:9.

Ilaahay wuu necebyahay furitaan khiyaamo lagu sameeyay. Wuu la xisaabtami doonaa kuwa xaaskooda si fudud oo sabab laʼaan ah uga taga oo weliba niyeysto inay mid kale guursadaan.—Malaakii 2:13-16; Markos 10:9.